Barecelon Oo Xiddig Kale Ka Ishaaratay Bayern Munich

Sida laga soo xigtay wargeysyada Isbaanishka, Barcelona ayaa la xiriirtay madaxda Bayern Munich, si ay wax uga weydiiyaan suurtogalnimada ay qandaraas kula soo wareegi karaan mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda xagaaga soo aadan.

Barcelona ayaa horay u muujisay xiisaha ay u qabto xiddiga heerka caalami ee dalka Poland, Robert Lewandowski kaasoo qandaraaskiisu dhacayo 2023, mana doonayo inuu cusbooneysiiyo.

Serge Gnabry, sidoo kale qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 2023, mana doonayo inuu kordhiyo, waxaana jira warar sheegaya in maamulka kooxdu ay u furan yihiin inay iibiyaan; Sida laga soo xigtay Radio Catalunya.

Raadiyaha ayaa tilmaamay in agaasimaha ciyaaraha ee FC Barcelona, ​​Mateu Alemany -iyo Jordi Cruyff, oo xubin ka ah xoghaynta farsamada ee kooxda Catalan, ay la xiriireen Bayern Munich si ay wax uga weydiiyaan xaaladda Gnabry.

Raadiyaha ayaa sheegay in madaxda kooxda Catalan ay xiriir la sameeyeen toddobaadyo ka hor dhigooda Munich balse lama helin jawaabta laga siiyay arintaas .

Gnabry oo 26 sano jir ah ayaa kooxdaas xilli ciyareedkaan u dhaliyay 17 gool halak uu sameeyya 10 kale dhamaan tartamada ay kooxdaas ku jirtay, waxaana sidoo kale laacibkaas doonaya kooxda Arsenal .