Barcelona Vs Juventus, Liverpool Vs Athletic Bilbao, Tottenham Vs Arsena & Kulamada Xiisaha Leh Ee La Ciyaari Doono Maanta

Maanta waxa la ciyaari doonaa kulamo waaweyn oo saaxiibtinimooyin ah iyada oo kooxaha ugu awooda weyn yurub isaga hor iman doonaan kulamo ay isku tijaabinayaan.

Kooxaha ayaa ku jira kulamadoodii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo todobaadka dambe si Rasmi ah loo bilaaban doono xilli ciyaareedka cusub.

Kulamada la ciyaari doono ayaa dhamaantood ah kuwo xiiso leh oo ay taageerayaashu si gaar ah isha ugu hayaan waliba sugayaan in ay daawadaan marka ay soo galaan.

Kulanka ugu horeeya ayaa ah kulanka North London Derby kaas oo dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Tottenham kulan soo gali doona 4:00 Galabnimo wakhtiga Somaliya.

Kulanka xiga ayaa ah kulanka dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Athletic Bilbao kulan ka dhici doona Anfield oo ay taageerayaal soo buux dhaafin doonaan kulankaas oo soo gali doona 6:00 wakhtiga Somaliya.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Ac Milan kulan uu tababare Ancelotti ka hor tagi doono kooxdiisii hore kaas oo soo gali doona 7:30 wakhtiga Somaliya.

Ugu dambayn 10:30 ayuu soo gali doonaa kulanka sida weyn loo sugayo ee Barcelona iyo Juventus kulankaas oo ka dhici doona garoonka Camp Nou kana tirsan kulanka Joan Gamper Cup ee sanadlaha ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*