Barcelona Vs Bayern Munich: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Caawa.

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Bayern Munich kulanka ugu adag ee champions league todobaadkan ahna bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa ah mid taariikhi ah marka loo eego in ay labada kooxood kulamo badan isaga hor tageen waliba taageerayaasha siiyeen kulamo xiiso leh.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa ah midkii ay Bayern Munich 8/2 ku xasuuqday kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii hore kulan ka tirsanaa Semi-final-ka tartanka.

Laakiin wax weyn ayaa is badalay marka loo bar-baro dhigo xilli ciyaareedkii hore iyada oo Barcelona kulanka soo gali doonto Lionel Messi la’aan kadib markii uu ka tagay xiddigu suuqii xagaaga.

Hadaba ka hor kulanka waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la soo qaatay xiddigaha qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira kulamadii la ciyaaray xilli ciyaareedka.

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Bayern Muninch shaxda ku leedahay 5 xiddig.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*