Hordhac: Barcelona Vs Bayern Munich : Kooxda Camp Nou Rikoor Wacan Ayay Ku Leeyihiin Kulamada Furitaanka Champion-ka

Barcelona ayaa caawa lugta 1-aad ee wareegga Champion-ka waxa ay ku marti gilinayaan Munich , waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo  ay yihiin bilaa Messi kaasi oo xagaagaan ku biiray PSG

Xogta Kulanka

*Kulankaan ayaa ah  kii ugu horeeyay ee labada koox tan iyo xilli ciyaareedkii 2019/2020 xilligaas oo ay ku kumeen quarter final-ka Champion-ka waxa ayna Barca waqtigaas qaabileen guul daraddii ugu cusleyd taariikhda tan iyo April 1951-dii ,ka dib  markii 8/2 lagu garaacay xilli middii ka horeysay ay aheyd Espanyol 6/0

*Dhamaan tartamada yurub , Barcelona  waxa ay Munich ku hor kufeen 7 jeer

*Barcelona iyo Munich waligood kuma kulmin wareegga Group-ka champion-ka  tan  iyo xilli ciyaareedkii 1997/98-dii

* Munich wax guul darro lama kulmin  18-kii kulan ee ugu dambeeyay Champion-ka ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen , 14 badis iyo 4 bar bar dhac ah ayay wataan , waana dhacdadii ugu dheereyd ee koox ay ka sameyso tartamada qaaradda yurub.

*Barcelona wax guul darro ah lama kulmin kulamada furitaanka champion-ka tan iyo xilli ciyaareedkii 1997/98 -dii , waxa ayna waqtigaas 3/2 guul darro ah kala kulmeen Newcastle United , waxa ay bilaa guul darro yihiin 22 kulan , 17 badis iyo 5 bar bar dhac ah ayay wataan

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*