Barcelona: Shaki La’aan Waan Soo Celin karnaa Messi Laakiin…?

Madaxa dhaqaalaha Barcelona Eduard Romeu ayaa sheegay in albaabadu u furan yihiin inay dib ula soo wareegaan Lionel Messi suuqa xagaaga dambe.

Heshiiska Messi ee PSG ayaa dhici doona bisha June ee sanadka dambe inkasta oo ay kooxda PSG doonayso in ay heshiis cusub u soo bandhigto.

Romeu ayaa la waydiiyay haddii ay suurtagal tahay soo laabashada Messi ee kooxda Barcelona dhinaca dhaqaale ahaan suuqa xagaaga dambe.

“Shaki la’aan wuu soo laaban karaa sababta oo ah, waxa aan ku heli karnaa qaab xor ah sidaas darteed wuu soo laaban karaa”ayuu Romeu yidhi.

Si kasta ha ahaatee Romeu ayaa sheegay in ay jirto xaalad farsamo oo u baahan in la xaliyo hadii uu Messi ku soo laabanayo Barcelona.

“Waa in aan gabi ahaan badalno dhismaha dhinaca mushaharka, haatan waxa aan dajinay dhisme mushahar oo fiican iyo waliba xiddigo da’doodu aad u yahay waana in aan arintaas badalno”ayuu sii raaciyay.