Barcelona & Real Madrid Oo Isaga Baxay Baacsigii Ay Ugu Jireen Erling Haaland, Sabab

Kooxda Real Madrid ayaa isaga hadhay baacsigii ay ugu jireen saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland sabab la xidhiidha mushaharka uu dalbanayo xiddigu.

Kooxaha La Liga ka ciyaara ayaa la kulmay wakiilka xiddiga iyo waliba aabihiis bishii hore iyaga oo kala hadlay suurtagalnimada ay ku heli karaan xiddiga.

Si kasta ha ahaatee shabakada Goal ayaa sheegaysa in uu Haaland dalbaday mushahar sanadle ah oo dhan 30 milyan oo euro hadii uu doonayo in uu ku biiro labada kooxood.

Sidaas darteed wararka ayaa sheegaya in ay labada kooxood ee reer Spain isaga hahdheen baacsiga ay ugu jireen xiddiga reer Norway marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Haaland ayaa dhaliyay 35 gool xilli ciyaareedkan inkasta oo uuna wax gool ah dhalin 7-dii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*