Barcelona Oo Xasuuqday Girona & Lamine Yamal Oo Wacdaro Dhigay.

Barcelona ayaa sii waday qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa iyaga oo xasuuqay kooxda Girona.

Kooxda Hansi Flick ayaa sii wada wacdarihii ay dhigaysay horyaalka La Liga iyaga oo guul weyn ka gaadhay Giron.

Xiddiga Lamine Yamal ayaa ahaa xiddiga ugu fiican ciyaarta isaga oo dhaliyay 2 gool 7 daqiiqo gudohood intii u dhexaysay 30 ilaa 37.

Xiddiga Dani Olmo ayaa qaybtii dambe daqiiqadii 47-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 3/0.

Xiddiga Pedri ayaa daqiiqadii 64-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/0.

Kooxda Girona ayaa daqiiqadii 80-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Cristhian Stuani kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Barcelona ayaa ciyaarta kaadhka caS Looga saaray xiddiga Ferran Torres kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Ay Barcelona xasuuqday kooxda Girona kulan ka tirsanaa La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga