Barcelona Oo Xasuuqday Alaves, Messi Oo Ku Sii Dhawaaday Gool Dhalinta La Liga Xilli Ciyaareedkii 7-aad & Barcelona Oo Guul Ku Xidhatay Xilli Ciyaareedka

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ku soo xidhatay xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kadib markii ay xasuuqeen kooxda Deportivo Alaves kulan ka dhacay garoonka Estadio Mendizorroza.

Kulanka ayaa ahaa Mid ay kooxda Alaves si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo Barcelona ku qaadayay weeraro rogaal celis ah xilli ay Barcelona maamulaysay ciyaarta.

Laakiin daqiiqadii 24-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ansu Fati kaas oo ciyaarta u furay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Barcelona oo sii waday weerarada iyo maamulista ciyaarta ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo dhaliyay gool ka caawinaya in uu ku guulaysto gool dhalinta horyaalka La Liga.

Ka hor intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta ayay Barcelona sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka 3-aad u dhaliyay Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona soo bandhigtay qaab ciyaareed lagu qancayo isuguna diyaarinayso kulanka champions League maadama horyaalka Laga Qaaday.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay Barcelona doonaysay in ay sii dheeraysato hogaanka ciyaarta waliba disho rajada Alaves iyaga oo sidoo kale doonayay in ay goolal badan ugu jawaabaan dadka dhaleeceeya kadib guuldaradii Osasuna.

Barcelona ayaa ka go’naansheheedii gool ku bilowday daqiiqadii 58-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nelson Semedo kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Barcelona ayaan halkass ku joogsan waxana ay sii raadisay goolal kale oo ay ku sii dheeraystaan ciyaarta.

Daqiiqadii 71-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtanka kooxda ee Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Kadib 2-daas gool Lionel Messi ayaa haatan ugu cad-cad in uu ku guulaysto abaalmarinta gool dhalinta La Liga markii 7-aad oo xidhiidh ah maadama uu haatan leeyahay 25 gool xiddiga ugu soo dhawna yahay Karim Benzema kaas oo leh 21 gool una baanah ugu yaraan 4 gool.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul weyn ka gaadhay si fiicana ugu soo xidhatay xilli ciyaareed niyad jab lahaa.

Sii Akhriso:DEG-DEG: Nin Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho & Dadka Oo Dumar U Badnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*