Barcelona Oo Xaqiijisay Wakhtiga Uu Philippe Coutinho Gali Doono Qaliinka Jilibka Ah

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Philippe Coutinho qaliin jilibka ah mari doono sabtida  taas oo garoomada ka fogayn doonta muddo dheer.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Barcelona bar-baraha la gashay kooxda Eibar kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga Coutinho ayaa badal ku soo galay ciyaartaas qaybtii dambe laakiin xiddiga ayaan dhamaysan kadib markii uu dhaawacmay.

Dhaawaca Coutinho ayaa kooxda Barcelona ku qasbay in uu maro qaliin taas oo la macno ah in uu xiddigu garoomada ka manqnaan doono muddo bilo ah.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Kooxda Ronald Keoman marka loo eego in ay kooxdu ku dhibaatoonayso dhaawacyo iyo waliba natiijo xumooyin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*