Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Joao Felix

Barcelona ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku shaacisay in weeraryahankeeda Joao Felix uu dhaawac soo gaaray inta lagu guda jiro tababarka kooxdiisa.

Berrito, Barcelona waxa ay wajihi doontaa Osasuna, wareegga 20-aad ee horyaalka Spain, garoonka Montjuïc.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka Spain,waxana ay leedahay 44-dhibcood,halka Osasuna ay ku jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 26 dhibcood.

Barcelona ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku xaqiijisay in laacibkeeda reer Portugal ee Joao Felix uu dhaawac ka soo gaaray kuraanta intii lagu jiray tababarka kooxda.

Barcelona warbixin ay soo saartay ayay ku tidhi”Tababarkii maanta ee kooxda Waxa Joao Felix soo gaadhay dhaawac kuraanta lugta midig ah”.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Barcelona marka la eego in uu Joao Felix ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah muhiim-na u yahay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga