Barcelona Oo Weli Weysan Wadada Guusha La Ligaha , Toban Ciyaartooy Deportivo Ah Ayaa Bar-bar Dhac Ku Qabtay

Toban ciyaatooy Deportivo ayaa Barcelona ku soo diray bar bar dhac min hal gool ah , waxa uuna kulankaas uu ka tirsanaa waregga 6-aad ee horyaalka Spain

Sheekada labada qeyb : Barcelona ayaa nasiinada loogu diray hal gool oo nadiif ah waxa ayna labada koox soo bandhigeen ciyaar  deg degsiimo leh xilli Barca kubadda ku badneyd.

Barcelona waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen fursad ay qasaariyeen  taasi oo ay sii dheer tahay iyadoo uu is hor taagay goolhayaha Deportivo kaasi oo  bad baadinno cajiib ah sameeyay .

Barcelona waxaa lagu dilay kubad raacasho iyo daafac xilli kooxda martida loo ahaa ay xeranayeen daafaca 7 ah kulamaa Messi iyo saaxibadiisa tagaan shabaqa halka Deportivo ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxaana jiray fursado  dhowr ah oo laga bad baadiyay .

Ka dib qalad ka dhacay  Pique iyo goolahayaha Barcelona waxa ay Deportivo ku heleen gool ka dib markii kubad loo baasay goolhayaha uu ka qaatay Luis Rioja kaasi oo shabaqa dhigay .

Deportivo waxa ay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka iyo habka raacasho  oo ay u sii dheer tahay deg degsiimada taasi oo keentay in halkaas gool lagu nasto.

Qeybta labaad , Barcelona guud ahaan kubadda iyaga ayaa haystay balse nasiibka iyo daafac ayaa hor taagnaa illaa ay keeneen goolka bar bar dhaca waxaana dhaliyay Griezmann daqiiqadii 64-aad xilligaas oo ay ka faa`ideystaan tiro yaridda Deportivo ka dib markii uu kaarka cas ka qaatay Jota daqiiqadii 62-aad .

Barcelona waa ay u dhawaanayeen gool labaad xilli daqiiqadii 70-aad laga diiday gool Griezmann uu dhaliyay sababo la xariirta Offisde , waxaan xusid mudan in Barcelona soo laabashadii ay horay u soo giliyeen  Pedri , Trincao iyo Pjanic oo loo saaray Lenglet, Dembele ,iyo Busquets  halka badalada kale ay yimaadaan daqiiqadihii 69-aad iyo 78-aad iyaga oo soo giliyay  Dest oo loo saaray Alba halka Fati lagu badalay Braithwaite .

Dhamaadkii Barcelona waa ay ciqaabeen Deportivo kuwaasi oo kaliya maciin bidayay kubadaha rogaal celiska ah xilli daafac ahaan ay ku guuleysteen in ay is hor taagaan halista Messi iyo saaxibadiisa inaksto Messi daqiiqaidi 85-aad gool uu dhaliyay loo laalay Offside dartiis.

Barca waxaa  daqiiqadihii geerida hor taagnaa oo goolal xaqiiq ahaa ka bad baadinayay goolhayaha Deportivo waxana ugu darneyd kubad Pjanic uu banaanka ka toogtay ,, waxana xusid mudan in heerka kubad haysashada Barca ee qeybtaa slabaad ay gaartay %78

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*