Barcelona Oo Weerar Dhinaca Suuqa Ah Ku Qaadaysa Chelsea, Ayay Ka Doonaysaa

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Jorginho xilli ay suuqa ugu jirto badalka Sergio Busquets.

Jorginho ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee chelsea waxana lagu heli karaa qaab xor ah ama lacag jaban suuqa January hadii uuna kooxda heshiis cusub u saxiixiin.

Sida laga soo xigtay The Sun, Barcelona ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Jorginho marka la gaadho suuqa January.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in ay Barcelona heshiis hordhac ah la gaadhi karto xiddiga 30 jirka ah si ay qaab xor ah ugu hesho saxiixiisa xagaaga dambe.

Jorginho ayaa dagaal ugu jira sidii uu boos joogto ah uga heli lahaa kooxda chelsea kadib markii uu Gramam Potter noqday tababaraha cusub ee kooxda.

Tan ilaa markii uu ku soo biiray chelsea sanadkii 2018, Jorginho ayaa koxda u ciyaaray 196 kulan waxana uu dhaliyay 27 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*