Barcelona Oo Warbixin ka Soo Saartay Sir Ku Saabsan Wadahadaladii Heshiis Kordhinta Ee Lionel Messi.

Barcelona ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaaraysay wararkii sirta ah ee laga soo saaray wadahadaladii heshiis kordhinta kooxdu kula jirtay xiddiga Lionel Messi sanadkii 2020 kaas oo lagu baahiyay wargaysyada saacadihii ugu dambeeyay.

Wargeyska “El Mundo” ayaa daaha ka qaaday wadahadaladii u dhexeeyay kooxda Barcelona iyo xiddiga Lionel Messi ee lagu doonayay in heshiiska looga saxiixdo xiddiga reer Argentine.

Barcelona ayaa bayaankeeda ku micneysay in xogtaan ay tahay mid sir ah isla markaas soo dusinteedu halis galinayso kooxda waxana ay maxkamad la fuuli doontaa cida soo gudbisay sirta kooxda.

“Marka la eego macluumaadka maanta lagu daabacay (El Mundo) kuna saabsan wadahaladii heshiis kordhinta Messi oo sir ah, waxa aan si xun u cambaaraynaynaa cida soo gudbisay sirtaas waxana aan cid walba oo ku lug leh ku soo oogi doonaa dacwad”ayay Barcelona warbixin ku soo saartay.

Lionel Messi ayaa ka tagay kooxda Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda isla markaas kooxdu heshiis cusub ka saxiixan wayday.

Warbixintan waxa aan horay ugu daabacnay shabakada Kooxda.com halkan hoose ka akhriso hadii aanad horay u akhirsan warbixinta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*