Barcelona Oo War Fiican Ka Heshay Tababarkii Maanta Ee Kooxda

Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay tababarkii maanta iyada oo uu Goolhaye Marc-Andre ter Stegen ku soo laabtay tababarka buuxda kadib markii uu dhaawac ku seegay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Goolhaye Marc-Andre ter Stegen ayaa maray qaliin jilibka ah dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore walina wax kulan ah uma ciyaarin kooxda 1-aad.

Haatan Goolhayaha reer Germany ayaa ku soo laaban kara shaxda Barcelona ee kulanka Alaves ee Sabtida kana tirsan horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaan si weyn u tabin maqnaanshaha Goolhayaha 1-aad iyada oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay Goolhaye Neto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*