Barcelona Oo Wali Doonaysa Saxiixa Bernardo Silva & Wakhtiga Ay U Dhaqaaqi Doonto Saxiixiisa Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay wali doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva.

Xiddiga reer Portugal ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay ku biirista Barcelona xagaagii laakiin heshiiska ayaan dhicin xiddiga ayaana sii joogay Man City.

Bernardo Silva ayaa xilli ciyaareedkan muhiim ka ah qorshaha Pep Guardiola waxana uu kooxda u ciyaaray 22 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 2 gool 5 kalena caawiye ka noqday.

Sida laga soo xigtay Sport, Xiddiga reer Portugal ayaa wali ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Barcelona waxana ka go’an in ay la soo saxiixato xiddiga suuqa January ama xagaaga dmabe.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man City diyaar u tahay in ay fasaxdo xiddiga hadii uu dalab fiican u yimaado taas oo keenaysa in ay Barcelona u baahantahay lacag fiican si ay u hesho xiddiga.

Bernardo Silva ayaa la sheegayaa in uu jacayl ka helayo tababaraha kooxda Xavi kaas oo aad u doonaya in loo keeno xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*