Barcelona Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Man City

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadao kula jirto kooxda Man City iyaga oo doonaya in ay kala heshiiyaan xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara ee Eric Garcia.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa isaga tagay Barcelona sanadkii 2017 isaga oo ku biiray Man City waxana uu xiddig muhiim ah ka noqday Man City isaga oo saftay 27 kulan tartamada oo dhan.

Eric Garcia ayaa Man City kula jira heshiis dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixao kooxda.

Eric Garcia ayaa doonaya in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Barcelona isaga oo Man City u sheegay in uuna doonayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona wadahadalo kula jirto kooxda Man City iyaga oo doonaya in ay xiddiga 13 milyan ku helaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*