Barcelona Oo Ugu Dambayn Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Man United La Xidhiidhinaya Ousmane Dembele

Kooxda Barcelona ayaa beenisay in ay wax wadahadalo ku aadan Ousmane Dembele la qaadatay kooxda Man United iyaga oo sheegay in uu xididga reer France sii joogi doono kooxda.

Agaasimaha Farsamada kooxda Barcelona ee Ramon Planes ayaa sheegay in ayna kooxdu wax wadahadalo ah oo ku aadan Ousmane Dembele la qaadan kooxda Man United.

Red Devils ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga reer France xilli uu dhawyahay xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa xagaagan oo dhan ku raad jogtay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Laakiin Kooxda ayaan wax horumar ah ka samayn baacsiga ay ugu jirtay xiddigii hore ee kooxda Man City taas oo keentay in ay United dareenkeeda u jeediso saxiixa xiddiga Dembele.

Wararka ayaa sheegayay in uu xiddiga 24 jirka ah diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man United laakiin Planes ayaa beeniyay wararkaas.

“Ugu horayn, ma jirto wax wadahadalo ah oo aan kula jirno Man United waxa aan haatan beenin karaa arintaas”ayuu agaasimaha Farsamada Barcelona ee Ramon Planes yidhi.

“Waa xiddig aan ku tiirsanahay, waxa aan ognahay tayadiisa, waxana aan rajaynaynaa in uu sanadkan soo bandhigo qaab ciyaareedkii fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*