Barcelona Oo Ugu Dambayn Heshay Badalkii Luis Saurez.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Andre Silva si ay uga dhigaan badalka Luis Suarez.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 22 gool sidoo kale sameeyay 7 caawin 26 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Man United ayaa dhawaan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga kaas oo 16 gool u dhaliyay 38 kulan xulka qarankiisa Portugal.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Barcelona Andre Silva u aragto badalka mustaqbalka fog ee Luis Suarez oo ayna badalkiisa la soo saxiixan ilaa haatan kadib markii ay iska iibisay xagaagii.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona xiddiga u aragto mid khibrad u leh horyaalka La Liga maadama uu u soo ciyaaray kooxda Sevilla xilli ciyaareedkii 2018/2019.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*