Barcelona Oo Ugu Dambayn Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Baacsiga Ay Ugu Jiraan Neymar & Laurato Martinez

Kooxda Barcelona ayaan awood u lahayn in ay la soo saxiixato xiddigaha kooxda Inter Milan iyo PSG ee Neymar iyo Laurato Martinez sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu.

Inkasta oo labada xiddig si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona hadana Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in xanuunka Korona uu dhaawacay dhaqaalaha kooxda sababna u noqon karin in ay labada xiddig helaan xagaagan.

Taageerayaasha Barcelona ayaa rajaynayay in ay kooxdu suuqa u gasho xoojin kadib xilli ciyaareed xun oo ay soo bandhigeen horyaalka La Liga.

“Barcelona waxa ay Inter Milan kala hadashay Arinta Lautaro isbuucyadii u danbeysay laakiin wadahadalada waxa lagu joojiyay ogolaansho labada dhinac ah”ayuu yidhi.

“Xaalada haatan lagu jiro suurtagal ma ahan in la sameeyo saxiixyo lacag badan ku kacaya”.

“Wakhti xaadirkan PSG ma doonayso in ay iibiso Neymar waana arin iska caadi ah sababtaoo ah waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adudunka, sanadkii hore ayaan isku daynay laakiin xagaagan xitaa iskuma dayayno”.

Sii Akhriso: Safirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*