Barcelona Oo Ugu Dambayn Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Neymar Ugu Jirtay

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay guuldaro ka qiratay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo Barcelona halkaas oo uu ka dhaliyay 105 gool 186 kulan ka hor intii uuna ku biirin PSG.

Si kasta ha ahaatee saxiixyo waaweyn ayaan la filayn in ay dhacaan xagaaga sabab la xidhiidha xanuunka Korona sidaas darteed Neymar ayaa sii joogi doona kooxda PSG xagaaga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Barcelona Aqbashay in ayna heli doonin saxiixa Neymar maadama ayna awood u lahayn in ay PSG kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Neymar ayaa dhaliyay 13 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale xilli ciyaareedka horyaalka France ka hor intii aan la kansalin xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: 3 Dhalinyaro Somaliyeed Ah Oo Ku Dhimatay Maagalada Minnesota Ee Dalka Maraykanka & Daroogo Sabab U Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*