Barcelona Oo U Dhaqaaqi Karta Saxiixa Xiddigii Ka Reebay Champions League Sanadkii 2019.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi karto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool Divock Origi inta lagu guda jiro suuqa January.

Barcelona ayaa iska iibisay xiddigo badan oo muhiim ah suuqii xagaaga waxana ay dhaawac ku wayday xiddigo kale xilli ciyaareedkan taas oo keentay in ay dhibaatooto.

Agaasimaha Barcelona ayaa xaqiijiyay in ay kooxdu u dhaqaaqi doonto weeraryahan cusub waliba diyaar ula tahay lacag dhan 17 milyan oo euro sida laga soo xigtay Sport, Origi ayaa ah dookha Barcelona.

Xiddiga reer Belguim ayuu heshiiskiisa Barcelona dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe taas oo la macno ah in uu xor noqon doono xagaaga dame.

Origi ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 4 kulan u saftay kooxda Barcelona tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*