Qorshaha Barcelona Ee Suuqa Xagaaga Dambe Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Dani Olmo, Paul Pogba, Erling Haaland marka la gaadho suuqa xagaaga.

Barcelona ayaa ku jirta xaalad dhaqaale xumo taas oo keentay in ayn samayn saxiixyo waaweyn waliba la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Eric Garcia, Sergio Aguero & Memphis Depay kuwaas oo xor ugu biiray.

Si kasta ha ahaatee wargayska Munod Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona isku diyaarinayso xiddigaha Pogba Olmo iyo Haaland marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Pogba ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Man United waxana ay Barcelona doonaysaa in ay qaab xor ah ku hesho xiddiga reer France halka ay sidoo kale doonayaan xiddigaha Olmo iyo Haaland.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*