Barcelona Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Euro 2024

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Athletic Bilbao Nico Williams iyada oo meel la Isla dhigay heshiiska shaqsiga ah.

21 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Athletic intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo u saftay 37 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay sideed gool, waxaana uu diiwaan geliyay 19 caawin.

Williams ayaa sidoo kale wacdaro ka dhigay tartanka Euro 2024 isaga oo xulka Spain ka caawiyay in ay gaadho Final Euro 2024.
Waxa Jira heshiis 55 milyan ah oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa waxana lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid yihiin Liverpool iyo Chelsea.
Sida laga soo xigtay wargayska Sport Barcelona ayaa la kulantay wakiilada xiddiga Isla markaas la gaadhay heshiiskiisa shaqsiga ah.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga