Barcelona Oo Suuqa Dhigaysa 12 Xiddig Oo Kooxdeeda Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay 12 xiddig oo kooxda ah xilli ay doonayso in ay lacag u uruuriso saxiixyo cusub suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez laakiin waa in ay lacag u uruuriso marka hore ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixa xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Barcelona suuqa dhigtay 2 goolhaye oo uu ka mid yahay Neto iyo Nelson Semedo, Samuel Umtiti, Junior Firpo & Jean-Clair Todibo in ay suuqa dhigtay.

Wararka ayaa sheegaya in ay sidoo kale Barcelona iska iibinayso xiddigaha khadka dhexe ee Arturo Vidal, Carles Alena, Rafinha & Ivan Rakitic halka ay weeraryahanada Ousmane Dembele, Martin Braithwaite & Philippe Coutinho sidoo kale ku jiraan Liiska.

Xiddigaha Todibo, Alena, Rafinha & Coutinho ayaa amaah kaga maqnaa kooxda xilli ciyaareedkii 2019/2020 waxana ay kooxdu doonaysaa in ay iska iibiso.

Semedo ayaa ka mid ah xiddigaha kooxda joogay xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Man City xilli uu Dembele yahay xiddiga qaal u ah kooxda laakiin ay dhaawacyo dileen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*