Barcelona Oo Sharaxday Sababta Uu Lionel Messi Ku Seegi Doono Kulanka Eibar, Dhaawac Ayaa Jira.

Kooxda Barcelona ayaa sharaxday sababta uu xiddiga Lionel Messi wali ugu magan yahay dalkiisa hooyo ee Argentine gaar ahaan Rosario iyaag oo sheegay waliba in uuna ku soo laaban doonin tababarka ilaa kadib kulanka Eibar ee Salaasada ka dhici doona garoonka Camp Nou.

4 Saac kadib markii ay soo if baxday in uuna xiddigu ku soo laaban tababarka Axadii waliba uu seegi doono kulanka Eibar ee horyaalka premier League.

Kooxda Barcelona ayaa warbixin ku soo saartay”Lionel Messi waxa uu ka cabanayaa dhaawac kuraanta ah waxana uu tababarka ku soo laaban doonaa kadib kulanka Eibar”.

Hadii ay wax walba u dhacaan sida la doonayo Xiddiga Messi ayaa tababarka ku soo laaban doona 1 bisha January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*