Barcelona Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Ansu Fati Ku Soo Laaban Doono Garoomada Kubada Cagta.

Kooxda Barcelona ayaa shaacisay wakhtiga uu xiddigeeda Ansu Fati si Buuxda ugu soo laaban doono garoomada kubada cagta kadib dhaawacii 3-da bilood u diiday garoomada.

Xiddiga da’yarka ah ayuu dhaawac culus soo gaadhay 7 bishii November ee la soo dhaafay waxana uu maray qaliin la sheegay in uu garoomada uga maqnaan doono muddo 4 bilood ah.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku kalsoontahay in uu xiddigu si fiican uga soo kabsanayo dhaawacii soo gaadhay.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay ku kalsoontahay in uu xiddigu ku soo laaban doono garoomada kulanka lugta 2-aad ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG Champions League kaas oo dhici doona 10 bisha March ee soo socota.

Kooxda Barcelona Ayaan doonayn in ay Fati ku cadaadiso in uu horay ugu soo laabto garoomada isaga oo aan dhaawaca si buuxda uga kabsan.

Sidaas darted waxa ay diyaar u yihiin in ay siiyaan wakhti fiican oo uu si dabiici ah ugaga soo kabsado dhaawaca soo gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*