Barcelona Oo Qiime Lama Filaan Ah Dul Dhigtay Madaxa Philippe Coutinho, Heegan Buuxana Galisay Kooxaha Doonaya Saxiixiisa.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay aqbasho dalabyada ku kacaya milyan oo euro si ay isaga iibiso xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho.

Inkasta oo uu kooxda ugu biiray lacag dhan 142 milyan oo euro Coutinho ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo taas oo keentay in uu ka boxo qorshaha kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay meesha ka saarto mushaharka badan ee xiddiga 29 jirka ah kaas oo dhaawac ku maqnaa tan ilaa bishii December ee bishii hore.

Sida laga soo xigtay Footabll Epana, Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 20 milyan oo euro si ay isaga iibiso xiddiga suuqa xagaagan.

Warkan ayaa heegan galinaya kooxaha Liverpool, Arsenal, Ac Milan iyo kooxaha kale ee xiisaha u muujiyay saxiixa xiddiga todobaadyadii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*