Barcelona Oo Qarka U Saaran In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Ousmane Dembele & Waxa Kaliya Ee Ka Dhiman Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Ousmane Dembele kadib markii uu xiddigu dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa xilli ciyaareedkan.

Warayska MARCA ayaa sheegaya in kaliya ku dhawaaqista kooxda Barcelona ka dhimantahay heshiiska cusub ee xiddiga Ousmane Dembele kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula joogi doono.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ka saxiixatay xiddiga Ousmane Dembele Hehiis dhan 3 sano oo cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono kooxda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxdu sugayso dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay ugu dhawaaqdo heshiiska cusub ee xiddiga reer France kaas oo kooxda la jooga sanadkiisii 4-aad.

Ousmane Dembele ayaa kooxda ku soo biiray sanadkii 2017 waxana heshiiskiisa kooxda ee haatan ka dhiman hla sano waxana uu kooxda sii joogi doonaa 4 sano oo kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*