Barcelona Oo Qaaday Talaabo Ay Dooneyso In Ay Ku Soo Xero Giliso Haaland

Wargeyska Sport ee Spain ka soo baxa ayaa qoraya in Barcelona damacsan yihiin in si dhab  ugu dhaqaaqaan soo xero gilinta weeraryahanka Dortmund ee Haaland

Laaicbkaas ayaa soo bandhigaya heer ciyaareed aad loola dhacay tan iyo markii uu u tagay  kooxda reer Jarmal bishii January ee sanadki 2020-ka

Ilaa haatan waxa uu dhaliyay 47 gool halka uu sameeyay 11 kale ka dib 48 kulan ee uu u saftay Dortmund dhamaan tartamada

Inkastoo hishiiskiisa uu  dhacayo  xagaaga 2024-ka hadana waxaa si weyn Haaland loola xariirinayaa in uu ka tagayo kooxdaas marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado

Kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid , Munich , Liverpool , Chelsea , City iyo Barcelona ayaa isha ku haya saxiixa laacibkaas xilli ilo wareedyo kala duwan tilmaamayaan in uu  u wareegi doono horyaalka Spain

Wargeyska Sport ayaa haatan qoraya in Barcelona go`aan ku gaareen in dalab rasmi ah ka geeyaan Haaland si xagaaga u helaan isla markaana uu ugu horeeyo bartilmaameedka xagaaga
Madaxweynaha cusub Barcelona Laporta ayaa si shaqsiyan ah ula xariiray wakiilka Haaland waxa ayna ka wada haldeen sidii xagaaga uu Camp Nou ugu soo wareegi lahaa xilli saxaafadda Sopain tilmaameyso in Barcelona la giliyay rajo wacan ,
Sidaas oo ay tahay Barcelona waxa ay u baahan tahay in ay iska iibiyaan dhowr xiddig si ugu yaraan lacag ka sareeysa 100 milyan u helaan ka dibna ugu soo xero giliyaan Haaland

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*