
Kooxda Barcelona ayaa xiddiga Ousmane Dembele ka reebtay gabi ahaan kulanka Copa del Rey-ga ee ay la ciyaari doonaan kooxda Athletic Bibao wareega 16-ka.
Barcelona ayaa bilowday in ay ciqaabto xiddiga reer France kaas oo diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona kadib markii ay bur-bureen wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa.
Tababare Xavi ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu caawa kaga hor tagi doono kooxda Bilbao kulanka wareega 16-ka Copa del Rey-ga waxana uu ka reebay xiddiga Ousmane Dembele.
Heshiiska Ousmane Dembele ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ilaa haatan diiday ilaa haatan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.