Barcelona Oo Nus-Darsin Goolal Ah Kaga Badisay Kooxda Real Sociedad & Messi Oo Wacdaro Dhigay.

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana tirsanaa todobaadkii 28-aad ee tartanka.

Qaybta hore:

Kooxda Barcelona ayaa si fiican ku bilaabatay kulanka iyaga oo maamulayay ciyaarta sidoo kale Real Sociedad ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Real Sociedad ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay Barcelona kaga dhaliyaan goolal ay kaga yaabsadaan Kooxda Ronald Koeman.

Sociedad ayaa daqiiqadiihii ugu horeeyay ku dhawaatay in ay Barcelona gool ka dhaliso laakiin Goolhayaha Barcelona ayaa si fiican u difaacday goolkiisa.

Daqiiqadii 37-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale halka ay Sociedad dhankeeda heshay fursado dhawr ah oo ay ku dhalin kareen goolal.

Daqiiqadii 43-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sergino Dest kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ku hogaaminaysay ciyaarta waliba ku soo badhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybta Dambe:

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dilaan waliba dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 53-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sergino Dest kaas oo ahaa xiddiga kulanka qaab ciyaareed fiicana soo bandhigay isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Xiddiga Lionel Messi ayaa daqiqiadii 56-aad kooxdiisa u dhaliyay goolka 4-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Barcelona ayaa sii waday dadaalada ay ku doonaysay goolal kale iyaga oo aan joojin weerarada iyo waliba maamulista ciyaara xilli ay Sociedad u muuqdeen kuwo niyad jabay.

Daqiiqadii 66-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Dembele laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray

Daqiiqadii 70-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 5-aad waxana markan gool sax ah dhaliyay xiddiga Ousmane Dembélé kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 5/0.

Kooxda Real Sociedad ayaa gool sharaf dhalisay daqiiqadii 76-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ander Barrenetxea kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkii 6-aad ee kooxdiisa daqiqiadii 88-aad isaga oo kooxdiisa u dheereeyay goolasha kooxda isaga oo ciyaarta ka dhigay 6/1 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul weyn ka gaadhay kooxda Real Sociedad iyaga oo kaalinta 2-aad ka galay kala saraynta horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*