Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Heshiis La Gaadhay Tababarihii Shaqada Ka Badali Lahaa Quique Setien

Tababaraha kooxda Al- Sadd ahna Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi ayaa lagu soo waramyaa in uu ogolaaday in uu noqdo tababarka cusub ee kooxda Barcelona shaqadana ka badalo tababaraha haatan ee Quique Setien sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona wadahadalo la qaadatay Xavi markii ay shaqada ka caydhinayeen Ernesto Valverde laakiin Xavi ayaa iska diiday isaga oo sheegay in uuna wakhtigaas munaasib ku ahayn in uu qabto shaqada tababaranimo ee Barcelona taas oo keentay in ay kooxdu u dhaqaaqdo saxiixa Tababare Quique Setien.

Laakiin Barcelona ayaa ku dhibaatootay qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka tababare Quique Setien ee kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa haatan 4 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Real Madrid waxana la sheegayaa in ay Barcelona shaqada ka caydhin doonto tababare Quique Setien dhamaadka xilli ciyaareedkan ama maalmaha soo socda hadii ay wax iska badali waayaan natiijada kooxda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Xavi si uu tababare ugu noqdo kooxda xilli ciyaareedka dambe shaqadana ka badalo Quique Setien.

Sii Akhirso:Wadamo Ka Tirsan Qaarada Africa Oo Diyaar U Ah In Ay Aqoonsadaan Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*