Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Calaamadsatay Badalka Quique Setién

Tv-ga reer Spain ee El Chiringuito TV ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Barcelona go’aansatay in ay shaqada ka caydhiso tababare Quique Setién kadib guuldaradii Osasuna ee ay horyaalka ugu lumisay Real Madrid.

Barcelona ayaa wayday kadib markii ay Real Madrid garaacday kooxda Villarreal dhanka kalena Barcelona guuldaro lama filaan ah kala kulantay 10 xiddig oo Osasuna ah.

El Chiringuito TV ayaa sheegaya in ay Barcelona shaqada ka caydhin doonto tababare Quique Setién dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Isla Tv-ga ayaa sheegaya in ay Barcelona fasax 2 todobaad ah gali doonto kadib shaqada loo dhiibi doono tababaraha da’yarka Barcelona ee Francisco Javier García kaas oo hogaamin doona kooxda champions League.

warkan ayaa soo baxaya kadib markii uu madaxweynaha Barcelona maanta wadahadalo xasaasi ah la yeeshay tababare Quique Setién

Sii Akhriso: Somaliland Oo Beesha Caalamka Runta Uga Sheegtay Sababta Ay Dib Ugu Dheceen Wadahadaladii Somaliland & Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*