Barcelona Oo Lacag La’aan Ku Fasaxaysa Laba Xiddig Oo Kooxdeeda Ah & Lionel Messi Oo Sabab U Ah.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso in ay si xor ah ku fasaxdo xiddigaha Miralem Pjanic iyo Samuel Umtiti maadama ayna labada xiddig ku jiri qorshaha tababare Ronald Koeman xilli ciyaareedka soo socda.

Pjanic ayaa kaliya ku soo bilowday lix kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu ka yimid Juventus, halka Umtiti sidoo kale saftay 6 kulan xilli ciyaareedkii hore.

Umtiti waxa heshiiskiisa Barcelona uga hadhay 2 sano halka uu Pjanic kooxda kula jiro heshiis ilaa xagaaga 2024 ah kadib markii uu heshiis 4 sano ah u saxiixay kooxda markii uu yimid.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Goal, Barcelona ayaa doonaysa in ay labada xiddig kansasho heshiiskooda si ay qaab xor ah uga tagaan kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona si aad ah u doonayo in ay yarayso mushaharkeeda si ay u hesho lacag ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga Lionel Messi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*