Barcelona Oo La Xidhiidhay PSG & Nemar Oo Sabab U Ah.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samaysay kooxda Paris Saint-Germain iyaga oo isku dayaya in ay Neymar ku soo celiyaan kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhawaan sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda PSG Waliba wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxda uu hogaamiyo tababare Mauricio Pochettino.

Neymar ayaan wali qalinka ku duugin heshiiska cusub waxana uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doonaa xagaaga 2022.

Sida laga soo xigtay RAC1, Barca ayaa la xiriirtay PSG si ay ugala hadasho suurtogalnimada inay dib ula soo saxiixato suuqa soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Neymar yahay bartilmaameedka koowaad ee kooxda La Liga ka ciyaarta iyaga oo xidiga reer Brazil doonaya in ay ku soo celiyaan Camp Nou.

Xiddiga 29 jirkaan ayaa dhaliyay 105 gool waxana uu sidoo kale caawiye ka noqday 76 kale 186 kulan oo uu u saftay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*