Barcelona Oo Ku Guuleysatay Cope Del Rey , Athletic Bilbao Ayay Ka Qaadeen

Barcelona ayaa xasuuqday Athletic Bilbao oo ay kaga guuleysteen finalka Cope Del Rey xilli goolasha ay yimaadeen qeybta dambe xilli natiijada ay aheyd 4/0

Qeybta hore , waxa ay labada koox nasiinada ku aadeen bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Barcelona ku sareeyeen maamulka kubadda .

Barcelona biloowgii birta ayaa diiday halka ka dibna ay is hor tagaeen daafaca Athletic Bilbao kuwaasi oo si hor taagayay isku day waliba oo ay saaxibadda Messi sameeyeen .

Barca waxa ay ku wacnaayeen in kubadda gaarsiiyaan afka hore Athletic Bilbao balse nasiibka ayaa ka maqnaa halka kooxda Athletic Bilbao ay maciin badiyeen kubadaha rogaal celiska ah .

Dhamaadkii qeybta hore , Barca fursado xaqiiq ahaa ayaa laga bad baadiyay waxaana isku daygaas lahaa Griezmann .

Qeybta labaad , goolhayaha Athletic Bilbao ayaa u diiday Sergio Busquets waxa ayna aheyd daqiiqadii 51-aad.

Athletic Bilbao , si ka bad-badis ah ayay daafac ugu jireen waxa ayna taasi ku keentay in gool lagu helo waxaana saxiixay Griezmann daqiiqadii 60-aad.

Athletic Bilbao waa ku adkeyd in kubadda iska soo dhaqaajiyaan waxaaana daqiiqadii 63-aad lagu helay gool labaad uu lahaa Frenkie de Jong .

Ka dib goolahaas , ciyaarta wax aay gacanta toos ugu sii gashay Barca oo ay sahal u noqotay wadada goosha Athletic Bilbao waxa ayan ku heleen sedexaad ee uu Messi ku ceebeystay daafacaas waxa uuna goolka dhaliyay daqiiqadii 68-aad

Qeybihii dhamaadka ,waxa ay Athletic Bilbao bilaabeen in afka hore u soo dhaqaaqaan balse halis gilin muuqta ma jirrin waxa ayna Barca sii racaiyeen gool 4-aad oo uu saxiixay Messi daqiiqadii 72-aad halka Barca badlakoodii ugu horeyay daqiiiqadii 74-aad ku soo giliyeen Sergino Dest oo loo saaray Sergi Roberto

Si waliba oo ay ahaato , waxa ay ciyaarta ku dhamaatay afartaas gool ee ay Barcelona ku qaaday Cope Del Ray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*