Barcelona Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddig U Ciyaara Man City.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaay in ay kooxda Barcelona wadahadalo horumar leh kula jirto daafaca kooxda Man City ee Eric García si ay u hesho saxiixa xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Eric García ee kooxda Man City ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Pep Guardiola.

Wargayska Sin Concesiones ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona haatan ku dhawdahay saxiixa xiddiga reer Spain waliba kula jirto wadahadalo horumar leh.

Eric García Ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona suuqii January iyo waliba xagaagii hore laakiin Man City ayaa diiday in ay fasaxdo xiddiga.

Xiddiga Eric García oo ka soo baxay Akademiyada La Masia ayaa doonaya in uu ku laabto kooxdiisii hore kana garab ciyaaro xiddiga Lionel Messi xilli ciyaareedka dambe.

Ronald Koeman ayaa xiddiga Eric García u doonaya in uu ku xoojiyo daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe xilli uu doonayo in uu u tartamo koobabka oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*