Barcelona Oo Khatar Ugu Jirta In Ay Muddo Dheer Waydo Marc-André ter Stegen Ka Soo Laabashada Champions League.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ka fiirsanayso in ay qaliin ku samayso Goolhayeheeda 1-aad ee Marc-André ter Stegen si uu uga soo kabsado dhaawac uu ka cabanayo.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay go’aan muhiim ah ka qaadato xaalada Marc-André ter Stegen iyada oo uu Goolhayuhu xanuun badan ka dareemayo lugta midig.

Wargayska reer Spain ayaa sheegaya in uu Marc-André ter Stegen wali dareemayo xanuun aad u badan kadib markii uu dhaawac soo gaadhay sanadkan inkasta oo uu daawayn maray.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xanuunku ku soo laabtay Goolhayaha una baahanyahay in uu maro qaliin si uu xanuunku uga tago oo uu taam buuxa u noqdo.

Hadii uu Marc-André ter Stegen qaliin maro waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo u dhexaysa 3 ilaa 4 bilood si uu ugu soo laabto garoomada.

Warkan ayaa imanaya xilli ay wax yar uga hadhsanyihiin Barcelona dib u bilaabashada tartanka champions League xilli ciyaareedkan oo la qaban doono bisha dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*