Barcelona Oo Ka Hashay Wararka Lionel Messi La Xidhiidhinaya In Uu Isaga Tagayo Kooxda.

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Lionel Messi uu doonayo inuu ka tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga reer Argentine oo xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in uu diidan yahay in uu kooxdau saxiixo heshiis ka dambeeya snaadka 2021.

Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqsan yahay dhibaatooyin dhawr ah oo soo wajahay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay taas oo shaki galinaysa mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Bartomeu ayaa ku kalsoon in uu xiddiga 33 jirka ah ee dhaliyay goolkiisii 700-aad ee xirfadiisa ciyaareed todobaadkii hore in uu sii joogi doono kooxda sanadaha soo socda.

“Ma doonayo inaan faahfaahin ka bixiyo wadahadalada, laakiin wuxuu sheegay marar badan inuu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku ku dhamaysto Barca, ”ayuu u sheegay Movistar.

“Hada, waxaan diirada saareynaa xilli ciyaareedka waxaana jira wadahadalo aan la yeelanay ciyaartoy badan”.

“Messi waxa uu doonayaa in uu sii joogo Barca, waxana uu doonayaa in uu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo afjaro halkan, waxa u hadhay sanado badan waxana aan ku raaxaysan doonaa ciyaartiisa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*