Barcelona Oo Ka Hashay La Saxiixashada Erling Haaland Xagaaga

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona ee Rafa Yuste ayaa qiimeeyay fursadaha kooxdiisa Barcelona ee la soo saxiixashada xiddiga Erling Haaland.

Xiddiga Haaland ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah xilli la filayo in uu isaga tago kooxda Borussia Dortmund dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Madaxweyne ku xigeenka FC Barcelona Rafa Yuste ayaa Mundo Deportivo weydiisay inay kooxdu awoodi karto inay la soo saxiixato Erling Haaland waqti dhaw waxana uu ku jawaaba “Waxaan ka soo baxaynaa dhibaato dhaqaale oo aad u weyn. Uma maleynayo in saxiixa Haaland ay macquul tahay waqtigaan”.

“Muhiimadayadu waa inaan hagaajino dhaqaalaheena. Waan arki doonaa waxa dhaca goor dambe Barcelona mar walba waxay dooneysay inay hesho xiddigaha ugu fiican adduunka, Haaland waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican”.

Barcelona ayaa wajahaysa xaalad dhaqaale oo xun haatan waxana lagu soo waramayaa in lagu leeyahay lacag dhan 1 bilyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*