Barcelona Oo Ka Hadashay Wararkan Sheegaya In Uu Kulanka Atletico Madrid Noqon Doonto Midii Ugu Dambaysay Tababare Ronald Koeman.

Madaxweynaha kooxda Barcelona, ​​Joan Laporta, ayaa ku dhawaaqay Go’aanka tababaraha kooxda Ronald Koeman, haddii ay maanta guuldarro ka soo gaartay Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan todobaadkii 7-aad ee horyaalka La Liga kulan si weyn isha loogu hayo mustaqbalka tababaraha.

Waxa jiray warar sheegaya in uu kulankan caawa ee Atletico Madrid noqon doono kulanka ugu dambeeya ee uu Ronald Koeman hogaamin doono kooxda Barcelona waliba isaga tagi doono kooxda inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Joan Laporta oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Koeman waxa uu sii ahaan doonaa tababaraha Barcelona wax walba oo ay noqoto natiijada kulanka maanta, waxa uu haystaa kalsoonida maamulka sare”.

“Koeman waxa uu leeyahay khibrad fiican waxana aan kala hadlay xaalada adag ee kooxda”.

“Waxan u malaynayaa marka ay xiddigaha dhaawacan soo kabsadaan waxa ay kooxdu noqon doontaa mid dib u hesha natiijooyin fiican”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*