Barcelona Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Ay Lyon Kala Heshiisay Saxiixa Memphis Depay.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay beenisay wararka sheegaya in ay heshiis la gaadheen kooxda Lyon kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Memphis Depay.

Wargayska De Telegraph ee ka soo baxa dalka Holland ayaa sheegaya in ay Barcelona dhigeeda Lyon kala heshiisay qiimaha xiddiga oo dhan 25 milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo guno ah.

Laakiin Wargsyaka Mundo Deportivo oo aad ugu dhaw kooxda Barcelona ayaa sheegaya in uu la xidhiidhay masuuliyiin ka tirsan kooxda waxna ka waydiiyay wararkaas.

Sidaas darteed wargayska ayaa sheegay in ay Barcelona gabi ahaan beeniyeen wararka sheegaya in ay heshiis la gaadheen kooxda Lyon si ay u helaan saxiixa xiddiga Memphis Depay.

Xaqiiqada ah in ay Barcelona beenisay ayaan la macno ahayn in ayna Barcelona doonayn saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Memphis Depay laakiin kooxda ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga reer Holland iyada oo uu Koeman doonayo in uu kula midoobo Camp Nou.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa si cad u sheegtay in ayna wali u dhawayn saxiixa xiddiga wararka sheegaya in ay Lyon kala heshiisay qiimaha xiddiguna Run ahayn.

Laacib.net

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*