Barcelona Oo Ka Faa’iidaysa Ku Biirista Marc Cucurella Ee Chelsea Qaab Noocee Ah.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca kooxda chelsea ee Marcos Alonso iyaga oo ka faa’iidaya dhamaystirka chelsea ee saxiixa xiddiga Marc Cucurella.

Chelsea ayaa jimcihii ku dhawaaqday saxiixa Marc Cucurella iyaga oo ka dhigay saxiixoodii 5-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Blues ayaa haatan ogolaatay Barcelona in ay dhamayastiraan saxiixa Alonso maadama ay haatan gacanta ku dhigeen badalkiisa oo ah xiddiga Marc Cucurella.

Barcelona ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay Alonso waxana ay kooxda reer Spain haatan ku dhawdahay in ay Chelsea kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Xiddiga Alonso ayaa dhankiisa haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa kala iibsiga xagaagan si uu ugu laabto Spain oo dalkiisa ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*