Barcelona Oo Ka Faa’iidaysa Iibsiga Milkiilayaasha Cusub ee Koxoda Newcastle United.

Wargeyska Sport ayaa shaaca ka qaaday in ay Barcelona ka faa’iidayso iibsiga Dhaxal sugaha Sucuudiga ee kooxda Newcastle United maadaama milkiilayaasha cusubi ay isku dayi doonaan inay la wareegaan xiddiga Philippe Coutinho suuqa January ama xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho kaas oo ku fashilmay kooxda tan ilaa markii uu yimid kooxda Suuqii January ee sanadkii 2018.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysay wado ay iska iibiso xiddiga waxana ay haatan doonayaan in ay Philippe Coutinho Ka iibiyaan kooxda Newcastle United kuwaas oo milkiile cusub yeeshay.

Milkiilayaasha cusub ee Newcastle United ayaa doonaya in ay Philippe Coutinho Ka dhigaan saxiixooda ugu horeeya ee kooxda Iyaga oo doonaya in ay dhisaan koox u tartami doonta koobab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*