Barcelona Oo Isha Ku Haysa Sedex Daafac Midkood , Yaa Ugu Dhaw In Ay Helaan?

Line up FC Barcelona (L-R) Andre Ter Stegen, Clement Lenglet, Junior Firpo, Ivan Rakitic, Frenkie de Jong, Gerard Pique, Lionel Messi, Antoine Griezmann, Sergi Roberto, Arthur Melo, Luis Suarez during the Liga match between Club Atletico de Madrid and FC Barcelona at Wanda Metropolitano on December 1, 2019 in Madrid, Spain. (Photo by Jose Breton/Pics Action/NurPhoto via Getty Images)

Barcelona ayaa baadi goobeysa in ay xagaagaan iska xoojiyaan dhanka daafaca , waxaana jira dhowr magac oo ay calaameysteen.

Umtti ayaa dhawaan la kulmay dhaawac waxa ayna Barcelona kaliya ku tiirsan tahay Gerard Piqué iyo Clément Lenglet

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in haatan Barcelona ka fikirayaan ilaa sedex daafac oo ay u arkaan in ay muhiim tahay in midkood ay helaan xagaaga

Waxaa ugu horeeya daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly, Pau Torres oo u jooga Villareal iyo Eric García oo Man City ah

Qiimaha daafaca Napoli waxa uu gaarayaa illaa 60 milyan oo euro waxaana laga yaabaa in madaxa kooxdaas uu dalbado qiimo intaas ka badan si uu uga hor istaago in wiilkaas reer Senegal uu baxo .

Waxaa lala leeyahay Barcelona waxa aya xoogga saari doontaa wiilkoodii hore ee Eric García kaasi oo ka tirsnanaan jiray akademiyadda Barca

Pau Torres waxa ay kooxdiisa Villareal ku dooneysaa aduun dhan 65 milyan oo euro sidaa darteed waxaa la yeehaya Man City ayay xaaladda ku biyo shubaneysaa

2 Comments

  1. Barcelona waa yaabe lacagta halkay gaynaysaana run ahaantii waxaan ahay taagere reer Barcelona lkn maamulkan kooxda joogaa uma qalmaan inay kooxda kusoo laabtaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*