Barcelona Oo Hogaanka La Wareegtay , Osasuna Ayay Garaaceen Xilli Kaarka Casaanka Laga Qaatay

Sheekads ciyaarta : Barcelona ayaa soo bandhigtay mid ka ah kulamadii ugu liitay xilli ciyaareedkaan waxaana nasiinada loogu diray hal gool oo yimid daqiiqadii 6-aad xilli daqiiqadii 30-aad Lewandski uu qaatay kaarka casaanka ka dib markii si ula kac ah  uu wax yeeleeyay daafaca Osasuna ah .

Barcelona waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen qaladaad dhanka baasaska ah , is fahan la`aan iyoin  kubadda si sax ah horay ugu jiidaan

Osasuna goolal kale waa dhalin kareen iyana si sax ah ugama aysan faa`ideysan fursadaha ay helayeen balse mar walibaa waxa ay ahaayeen halis.

Dhamaadii 45-aad Gerard Pique ayaa kaarka cas toos qaatay ka dib markii dood uu la galay garsooraha waxa uuna aayihiisa kubadda cagta ku soo afjaray kaarka cas  waxa uuna fadhiyay keydka

Soo laabashadii , durba Barcelona waxa ay heleen fursad waxa ayna ka faa`ideysteen kubad ka soo celiyay waxaana laaday oo shabaqa dhigay Pedri daqiiqadi 48-aad

Labada koox isku dayo ayay samaynayeen balse waxaa dilayaya go`aan qaadasho deg deg ah .

Qeybihii dhamaadka labada koox fursado ayay isku abuureen balse waxaa si cajiib ah u bad baadiyay goolhayayaasha .

Barca waa laag filan karay gool marka la eego cadaadiska ay sameynayeen illaa ay keeneen gool daqiiqadii 85-aad waxaana saxiixay Raphina ka dib baas sixir ahaa uu bixiyay DE Jong , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 2/1

 

 

1 Comment

Comments are closed.