Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Badalka Frenkie de Jong.

Xiddiga Carlos Soler ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona xilli ay kooxda ku ciyaarta Camp Nou calaamadsatay badalka Frenkie de Jong.

Xiddiga Frenkie de Jong ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona suuqa xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man City iyo Man United.

Sidaas darteed Barcelona ayaa xiddiga Carlos Soler u calaamadsatay badalka Frenkie de Jong hadii uu ka tago kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa marka hore u baahan in ay iibiso xiddiga Frenkie de Jong waxana ay haatanba heshiis la gaadhay xiddiga Valencia ee Soler.

Soler oo 25 jir ah ayuu hal sano uga heshiiskiisa Valencia waxana ay kooxdiisu ku qasbantahay in ay iibiso xiddiga sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale oo ay ku jirto.

Sidaas darteed Barcelona ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay iibiso xiddiga Frenkie de Jong ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixa Soler.