Barcelona Oo Heshiis Isku Badalasho U Soo Bandhigtay Liverpool.

Barcelona ayaa u soo bandhigtay Liverpool weeraryahankii hore ee Man City Ferran Torres si ay u hesho Luis Diaz, sida ay wararku sheegayaan.

Reds ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadatay horyaalka Premier League iyada oo Arne Slot uu ku guulaystay horyaalka ololihiisii ​​ugu horeeyay ee Liverpool.

Kadib markii ay soo gaba-gabeeyeen horyaalka bishii April Slot iyo agaasimaha ciyaaraha ee Liverpool Richard Hughes waxay awoodeen inay bilaabaan dadaalkooda suuqa kala iibsiga.

Jeremie Frimpong ayaa horay u soo gabagabeeyay tijaabada caafimaadka ka hor inta uusan u dhaqaaqin Anfield, halka Liverpool ay dalab ka badan 100 milyan euro ka gudbisay saaxiibkii Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz.

Daafaca Bournemouth Milos Kerkez ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiiska shaqsiga ah, halka weeraryahan cusub uu weli yahay mid ka mid ah mudnaanta koowaad.

Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa dhawaan qirtay in garabka Liverpool Diaz iyo weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ay ku jiraan liiska ciyaartoyda ay doonayaan saxiixooda.

Haatan warar cusub oo ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in Barcelona u soo bandhigtah Liverpool saxiixa xiddiga Feran Torres si ay u hesho Luis Diaz.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga