Barcelona Oo Heshiis Isku Badalasho Ah U Adeegsanaysa Jordi Alba Laakiin Hal Dhib Ayaa Jirta.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso heshiis isdhaafsi ah oo ku heli karto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Inter Milan ee Alessandro Bastoni kuna badalanayso xiddiga Jordi Alba.

Alba ayuu 3 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Barcelona waxana lagu bur-burin akraa heshiiskiisa lacag dhan 429 milyan euro laakiin waa mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda waxana ay ka fikiraysaa in ay iska dirto.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo kooxda Inter Milan ayaa xiiso u qabta saxiixa Albaa laakiin ma bixin karaan lacagtiisa.

Kooxda Barcelona ayaa sidaas darteed ogo in ay Inter siiso Jordi Alba hadii ay helayso saxiixa xiddiga Alessandro Bastoni kaas oo haatan wacdaro ka dhigaya tartanka Euro 2020 oo uu u ciyaarayo xulka Italy.

Si kasta ha ahaatee dhibataada jirta ayaa ah in uuna Alba doonayn in uu ku biiro kooxda Inter Milan taas oo adkaynaysa heshiis kasta oo ay labada kooxood is dhaafsan karaan xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*