Barcelona Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaadhay Badalka Ronald Koeman

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay tababaraha kooxda Ajax ee Erik ten Hag iyada oo tababaraha reer Holland noqon karo tababaraha cusub ee kooxda Barcelona xagaaga dambe sida laga soo xigtay El Nacional.

Idaacada CatRadio ayaa sheegtay in uu tababaraha 51 jirka ah yahay midka ay doorteen maamulka kooxda Barcelona waliba doonayaan in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Barcelona ayaa la dhacday shaqada tababare Ten Hag iyo waliba qaab ciyaareedkiisa soo jiidashada leh oo uu ciyaaro iyaga oo aaminsan in ay tahay mid ku fiican kooxda Barcelona.

Mustaqbalka Ronaldo Koeman ayuu shaki ku jiraa kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan kuna dhibaatoonayso in ay si fiican u ciyaart.

Tababare Ten Hag ayaa kooxda Ajax joogay tan ilaa 2018 waxana uu kooxda kula guulaystay 5 koob oo horyaalka Holland ah halka uu sidoo kale kooxdiisa geeyay Semi-final-ka champions League 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*